Wafdi ka socda Qaramada Midoobe gaar ahaan bangiga Aduunka ayaa gaaray dalka Jabuuti halkaasoo ay kula kulmeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladaas.

Wafdigaan ayaa ka raai geliyay Dowlada Jabuuti qiimeeyn dhawaan ka soo baxday dhankooda oo ku saabsaneyb waxqabadka dekadaha dunida gaar ahaan dhanka boorarka.

Advertisement

Qiimeynta sanadkii 2022-kii Dekadaha ugu hormarsan caalamka ayay  Jabuuti  ka gashay kaalinta 26-daad halka 2023  Jabuuti gashay kaalinta 379-laad taasoo aad uga careysiisay Dowlada Jabuuti madaama halkaasi uu ka muuqdo qalad weyn.

War ka soo baxay Dowlada Jabuuti ayaa lagu sheegay in Bankiga Adduunka markii ay kulmeen uu raalli gelin ka bixiyey, warbixintii sanadkii hore ee 2023 uu Baankigu ka sameeyay dakadaha caalamka.

Bangigu wuxuu balan qaaday inuu sixi doono qaladka ku jira jadwalkooda ay soo saareen 2023 oo sababay carada Jabuuti.

Wasiirka maaliyada Jabuuti oo la hadlaayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in Madaxweynuhu intuu ka sheegay kaliya uu ku celinayo isagoo muujiyay sida ay uga xumaadeen qiimeynta sida qaldan loo qoray sanadkii hore.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Djibouti port

 

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here