NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Nairoobi iyo meelo kale ka bilowday dibad-baxyo shacabku ku dalbanayaan inuu is casilo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Dibad baxyada maanta dib u bilowday waxaa ku dhintay hal ruux lamana soo sheegin dhaawacyo isbitaalada la gaarsiiyay,waxaa la arkaayay dibad-baxayaasha oo boorar wata, inkastoo maanta aan la soo warin khasaare intaasi ka badan.

Advertisement

Qofka maanta ku dhintay banaanbaxa ayaa la sheegay inay toogteen ciidamada kadib iska hor-imaadka labada dhinac,shacabka waxay dowlada ka dalbadeen inay qaadato masuuliyada qofka la dilay maanta iyo kuwii ka horeeyay.

Sidoo kale dibad baxayaasha waxay soo jeediyeen in sharciga la hor keeno saraakiisha Booliiska hogaamineysa iyo inuu is xilka ka dago madaxweynaha Kenya.

Maanta ma jirin wax ganacsi ah marka la eego meelaha dibad baxu ka jiray ,waxaana la arkaayay booliiska oo adeegsanaya sunta dadka ka ilmeysiisa,gaar ahaan marka shacabku dhankooda u soo dhaqaaqo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

kenya

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here