DHAKA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Dalka Bangladesh ayaa sheegaya in banaanbaxayaasha dalkaasi ay maanta qaadeen talaabo kale oo lala yaabay taasoo ay ku kala direen Baarlamaanka dalkaasi .

Baarlamaanka Bangladesh ayaa la kala diray, maalin kadib markii ay is casishay ra’iisul wasaarihii muddada dheer Sheikh Hasina taasoo sidoo kalana ka carartay dalka ka dib toddobaadyo rabshado ay dad badan ku dhinteen.

Advertisement

Qabanqaabiyeyaasha dibadbaxyada ay ardaydu horkacayaan ayaa lagu wadaa inay la kulmaan saraakiisha ciidamada, iyagoo ku adkeysanaya inaysan aqbali doonin dowlad uu hoggaamiyo milateriga.

Kala dirida baarlamaanka ayaa timid ka dib cadaadis arday
ka yimid ugu dambeyna lagu qasbanaaday in amarkooda la qaato sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Caasimada Dalka Bangladhesh ee Dhaka.

Madaxda Ardayda, Siyaasiyiinta, Xubnaha Bulshada Rayidka ah, Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan yeeshay ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la kala diro Baarlamaanka.

Sidoo kale, waxaa jiray amar lagu sii daayay Khaleda Zia, Ra’iisul Wasaarihii hore iyo hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka, oo xabsi guri ku jirtay.

Waxaa la xukumay sanadkii 2018-kii waxaana lagu xukumay 17 sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay eedeymo musuqmaasuq.

Waxaad moodaa in dalka  Bangladhesh ay iminka xukumaanba ardeyda dalkaasi ee kacdoonka soo bilaabay bilo ka hor iyagoona gaaray guulo waa weyn oo is daba joog ah sida inay dalka ka ceyriyeen Ra’iisulwasaaradii xukunka heysatay ku dhawaad 20 sano,kala dirista maanta ee Baarlamaanka iyo sii deynta mucaaradka iyo Ra’iisulwasarihii hore.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Bangladesh parliament dissolved in line with student leaders' deadline

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here