Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax balaaran oo Bulshada Caasimadda Muqdisho ay ku taageerayeen Go’aankii labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen xeerarkii Doorashooyinka, Xisbiyadda iyo Guddiga Doorashada iyo Sohdimaha dalka.

Sidoo kale kumanaanka shacab ee isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado Doorasho qof iyo cod si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto, iyadoona isku soo baxa ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Madaxda Ururada Dhalinyarada, Haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Caasimadda.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 6 people and monumentMay be an image of 3 people, motorcycle and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people
May be an image of 7 peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of one or more people, crowd and streetMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 4 peopleMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of 5 people and monumentMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here