MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa saaka Magaalada Muqdisho isugu soo baxay shacab badan iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaasoo muujinaya siday ay uga soo horjeedaan weerarkii Liido ka dhacay habeeno ka hor.
Banaanbaxaan ayaa ciwaan looga dhigay “Ololaha ciribtirka Khawarijta iyo naqdinta ficiladooda gurracan” waxaana lagu qabtay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo habeenkii Jimcaha ay Alshabaab ku beegsatay shacab aan waxba galabsan.
Isu soo baxayaasha ayaa badankood soo jeediyay in Alshabaab la iska dhacsho si looga hor tago weerarada ay shacabka ku xasuuqayaan.
Wasiiro ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ka soo muuqday dibad-baxa kuwaasoo hadalana ka soo jeediyeen.
Advertisement
37 ruux oo shalinyaro ah islamarkaana badankood ah maras isaga dalxiisaysay Liido ayaa la dilay habeenkii Jimcaha kadib qaraxyo ay soo abaabuleen naftood haligayaal.
Masuuliyiinta iyo shacabka ilaa hada hadlay ayaa isku raacay in kaliya wado kale aysan furneyn in la iska dhacsho oo laga hor tago alshabaab mooyee.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement