Muqdisho Agoosto,24,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida dooda ku saabsan arrimaha Canshuuraha Iibka ,cabashada ganacsatada Soomaaliyeed iyo sida lagu xalin karo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka Canshuurta Iibka loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sida lagu xalin karo, ayaa waxa ay Xildhibaanadda intooda badan ka sinnaayeen muhiimadu ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta waajibka ku ah si dowladnimadeena usii horumarto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana lasii amba qadi doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Isniinta ah.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 4 people, people studying, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 14 peopleMay be an image of 2 people, beard, people smiling, people studying and newsroomMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here