May be an image of 1 person and dais
Muqdisho Luulyo,22,2024: Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka oo ahaa kalfadhiga shanaad kulankiisa lixaad, waxaa uu guntankiisa ama kooramkiisa ku furmay 143-xildhibaan, waxaana ajendaha kulanka maanta uu ahaa hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka ayaa dood adag oo wakhti qaadatay ka yeeshay ajendaha ku saabsan hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda, waxaana waxyaabaha ay xildhibaanadda aadka uga doodeen ka mid ahaa dhibaatooyinka dagaal beeleedyada leeyihiin iyo sida ay muhiim u tahay in xal waara loo helo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta arbacada ah la dhameystiri doono dooda la xiriirta hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda.

Dhinaca kale xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed ee (SARIS), warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhirbeereedka iyo warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka.
May be an image of 1 personMay be an image of 4 people, dais, newsroom and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people, people studying, dais and text

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here