KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubaland ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen xaruntooda Kismaayo waxay kaga doodeen kuna meel mariyeen qodob dhigayay wax ka badalka Dastuurka Maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa si gaar ah waxay u meel mariyeen wax ka badalka  dhowr qodob oo ka mid ah dastuurka Jubbaland sida qodobka  26-aad iyo midka 70-aad  kuwaasoo gabi ahaanba sidey ahaayeen  meesha laga saarey.

Advertisement

Qodobka 26-aad waxaa uu dhigayay in qof baarlamaanka ku jira uusan Wasiir noqon karin waxayna u badaleen bil casgi oo ah inay hada kadib furan tahay in xildhibaan iyo wasiir la isku noqon karo.

Sidoo kale  Qodobka 70-aad ayaa isna wuxuu hore u ahaa mid xadidaya inta jeer ee masuul loo dooran karo Madaxweyne ,waxayna u badaleen mid furan.

Guud ahaan qodobada wax laga badalay gaar ahaan qodobka 70-aad ayaa mid si gaar ah uu ugu daneysanayay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe kaasoo raba inuu xukunka iska sii heysto.

Wararka ayaa tilmaamaya in qorshahaan dhan uu isagu dabada ka riixayay islamarkaana siduu rabay loo yeela, lamana oga waxa ay kaga jawaabi doonan mucaaradka Axmed Madoobe gaar ahaan kuwa uu damaca kaga jirey inay isaga badalaan teeramkaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here