=Qore :Yahya Amir=
Baadi kugu raagtay
Markii la soo xulayay Xubnaha Aqalka sare, waxaa lagu wada heshiiyay in Maamul Gobaleed kasta la siiyo 8 xubnood, Gobalka Banadirna la siiyo 6 xubnood, iyada oo Sabab looga dhigayo in uu yahay Hal Gobal oo kaligii taagan.

Heshiiskaa oo aan Banadir cidi ku mataleeyn, waxaa la yiri: Lixda Xubnood ha laga qaado. Waana laga qaaday, waxaa la soo jeediyay in 6da Maamul Gobaleed min Hal loogu daro.

Waa la diiday, waxaa lagu heshiiyay in 6da Xubnood Saddax iyo Saddax loo qeybiyo, looguna kala daro, Somali land iyo Punt land.(F.S:1aad)

Taa oo ah in Maamul Gobaleedyada kale la siiyo min 8 sideed Xubnood, Soamali land iyo Punt landina la siiyo min 11 xubnood, Muqdishana aan wax la siin.

Markaa ayey bilaabatay in Somaliya Madax iyo Majin la isag xiro. Wixii dhismahooda lagu bilaabo dulmi iyo cadaalad daro, waxa ay ku dambeeyaan khilaaf iyo kala tag, ilaa la saxo. Federaal Fowdo ah maxaad ka fahamtay? .

Qore :Yahya Amir
May be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here