KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaanada cusub ee maamulka Jubaland ayaa goor dhaw dib u doortay inuu markii sadexaad Madaxweyne ka noqdo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo dadka inta badan sii sadaaliyeen in la dooran doono madaama uu awood ku leeyahay dhulka maamulkaasi ka taliyo islamarkaana aysan jirin cid si madax banaan ula tartami karta.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu wadaa inay doortaan labada Madaxweyne ku xigeen lamana oga inay iyaguna soo laaban doonaan Maxamuud Sayid Aadan iyo C/qaadir luga dheere.
Markii doorashada Madaxweynaha ay soo dhamaatay ayaa islamarkiiba Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulka Jubbaland C/shakur Sheikh Maxamed wuxuu dhaariyay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement