KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa xalay casho sharaf wuxuu u sameeyay qaar ka mida Xildhibaanada Soomaaliyeed ee labada aqal ku matala maamulkaasi.
Xildhibaanadaan ayaa dhawaa Kismaayo u tagay kadib markii Axmed Madoobe ugu yeeray wax ugu yeeray la tashiga xaalada siyaasadeed ee dalka kadib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhex galay isaga iyo Dowlada Somalia.
Kulamadaani uu la tashiga ku tilmaamay Axmed Madoobe ayaa dad badan rumeysan yihiin inuu Xildhibaanada ka doonayo inay ku taageeraan mucaaradada uu kala soo horjeedo Dowlada Somalia.
Si kastaba kulankaan wali wax faah-faahin kama soo bixin,waxaa lagu wadaa inay saxaafada u bayaaniyaan hadii casha sharafta lagu soo hadal qaaday qaar ka mida qodobada ay maalmaha soo socda ka wada hadli doonaan labada dhinac.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement