Waxaa soo baxaya saadaal siyaasadeed oo sheegeysa inay suurtagal tahay in Khilaafkla hada u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland uu keeno dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxa labada Dowladood ee Somalia iyo Kenya kuwaasoo hada xiriirkoodu aad u wanaagsan yahay.
Waxaa mira dhali waayay cadaadis Dowlada Somalia ku heysay Dowlada Kenya taasoo la xiriirtay inay maamulka Jubaland dhankooda cadaadis saaraan madaama uu ka dhexeeyo xiriri wanaagsan islamarkaana ciidamada ugu badan ee Kenya ay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo.
Warar waxaa jira sheegaya in Dowlada Somalia dhawaan Kenya shardi uga dhig doonto inay xiririka u jarto Maamulka Jubaland ama Dowlada Somalia ay joojin doonto ganacsiga qaadka Kenya kaasoo ay malaayiin doolar ka helaan maalin kasta.
Dowlada Kenya waxay wajaheysa laba daran mid dooro hadii Dowlada Somaia ku dhaqaaqdo talaabadaasi taasoo ah inay lacagteeda iirsato iyo inay Axmed Madoobe dartiis ula dagaali doonto Dowlada Somalia.
Dagaal dhanka qaadka ah ayaa la xasuustaa inuu hore u soo dhexmaray Dowladii hore ee Somalia ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Dowladii kenya ee uu hogaminayay Uhuru Kenyata taasoo keentay in xiigaasi qaadkii Kenya lagu badalo kan Itoobiya, lamana oga inuu soo laban karo dagaal la mid ah kaas.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM