Iyadoo Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ay dhawaan isku fureen wadada isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ayuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam maanta safar dhulka ah ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay bartamaha Magaalada isagoo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa u tagay Degmada Afmadow dardar galinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.
May be an image of 6 people, jeep and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 11 people and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 9 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here