War ka soo baxay dhanka Maamulka Jubaland ayaa lagu shaaciyay dalacsiin uu sameeyay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe taasoo la dhihi karo waa dalacsiin ku timid qaab la yaab leh.
Haddaba qoraalka Jubaland ka soo baxay ayaa sidan u qornaa:-
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) Taliyaha aaga Waqooyi ee Magaalaada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubaland oo si geesinimo ah u diiday damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalaha ku Kala furfurayay Ciidamada Dowladda Jubaland u dalacsiiyay darajada gaashanle.

Gaashanle Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) ayuu Xasan Sheekh Maxamuud lacag gaaraysa 90,000 kun oo dollar ugu soo diray si uu u hogaamiyo afgambi la doonayay in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyadoo howshaas Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo wakiishay Maxamuud Fanax oo ahaa Gudoomiyahii hore ee Degmada Badhaadhe oo hogaaminayay duulaankii lagu soo qaaday Dowladda Jubaland ee sida gardarada ah Ciidamada loogu soo daabulay deegaanka Raaskambooni oo 13sano kahor ka xoroobay Khawaariijta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka ree Jubaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda.May be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here