KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la soo sheegayaa inuu maanta u safray dalka dibadiisa gaar ahaana Dalka Kenya.

Safarkaan ayaa imaanaya kadib hadal heyn badan oo qabsatay baraha bulshada markii  isku dhaceen isaga iyo Dowlada Somalia taasoo ahayd in laga xanibay inuu dalka dibadiisa u baxo.

Advertisement

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa la sheegay inuu ka dhoofay Madaxweynaha Jubaland isagoona ku sii jeeda Magaalada Nairobi lamana oga inuu arimo caafimaad u baxay iyo inuu arimo siyaasadeed u baxay.

Safarka Axmed Madoobe ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo intii dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Jubaland.

Sido kale Lama oga sida ay kaga jawaabi doonto Dowlada Somalia socdaalka Axmed Madoobe tan iyo markii ay u jartay waarankii ahaa in la soo xiro,sidoo kale waxaan la ogeyn in Booliiska Caalamka uu kenya ka xiri doono madaama Dowlada Somalia dacwaysay.

Dhanka kale waxa jira warar sheegaya inuu Kenya ka sii aadi doono  Magaalada Dubai ee xarunta dalka Imaaraatiga Carbeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here