AFIISKA MADAXWEYNAHA DOWLADDA JUBBALAND OO DEEQ RAASHIN AH GAARSIIYAY QOYSAS DANYAR AH OO KU BARAKACAY DEEGAANKA YURKUD EE GOBOLKA GEDO.
Deeq raashin ah oo ka timid xafiiska Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa la gaarsiiyay qoysas danyara oo ku barakacay deegaanka Yurkud.
Deeq raashin ah oo isugu jirta noocyada kala duwan ee raashinka sida Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Bur kana timid xafiiska Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Sheekh Maxamed Islaam ayaa la gaarsiiyay qoysas danyar ah oo ku barakacay deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.
Qoysaskan deeqda la gaarsiiyay ayaa dhawaan ka barakacay degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaas oo ay shaqaaqo ku dhexmartay beelo walaalo ah oo kami da kuwa dega degmadaasi.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo dareensan xaaladaha aanan wanaagsaneen ee ay ku suganyihiin dadka ay saameesay colaadii dhawaan Luuq ka dhacday, horayna ula sii daalaa dhacayay abaarihii iyo fatahaadihii dalka ku dhuftay ayaa amray in si deg-deg ah dadkaasi gargaar loo gaarsiiyo, isagoo ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo bulshada colaad dhexdooda ka hurin kara, balse taasi badalkeeda loo b aahanyahay in loo midoobo la dagaalanka kooxaha Khawaarijta.
Advertisement