KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta dib loogu doortay Madaxweynaha Jubaland markii sedexaad ayaa dhaliil u jeediyay madaxda sare ee Dowlada Somalia.
Axmed Madoobe wuxuu ku eedeeyay Dowlada inay ciidamo ku soo gurbineyso deegaanada maamulkiisa Jubaland gaar ahaana deegaanka raaskanbooni islamarkaana ay doonayaan inay Kismaayo soo weeraraan.
Axmed Madoobe wuxuu intaasi ku daray in qorshaha Dowladu yahay inay dagaalkii Alshabaab laga weeciyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.
“marna ma dhici doonto mana aqbaleyno in ciidamo aan ahayn kuwa Jubaland ay ka howlgalaan Magaalada Kismaayo”ayuu yiri Axmed Madoobe
Sidoo kale wuxuu dhaliil gaara u jeediyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre, isagoona ku eedeeyay inuu colaad sokeeye ka abuurayo deegaanada Jubaland.
“Xamze waxaan leeyahay hortaa ayay kuwa kaa horeeyay isugu dayeen inay burburiyaan jiritaanka jubbaland mana ku guuleysan,waxaan kale ku leeyahay taariikhda qormi doonta wax aan wanaagsaneyn yeysan kaaga qormin”ayuu yiri Axmed Madoobe.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM