Author: ahmed ali

Ku dhowaad 70 kun oo ciidanka qalabka sida ah ayaa dowladda u diiwan gashan oo ay kala bar Milateri yihiin Taliyaha ciidanka waxay ahayd inuu hoggaamiyo, guutooyin, ururro, horimo iyo unugyo ciidanka xooga dalka ah, warbixinna ka qaato talisyo iyo hoggaamo, dejiyana istaraatiijayad, qorshe iyo xeel dagaal oo argagexisada looga guulaysto ee ma ahayn in uu dhexjoogo tobaneeyo wiil oo tolkiisa ah oo gaajo, haraad iyo daal ugu dhex dhintay qaraxa argagexisada iyo duqaynta dawlada. Dagaalka argagexisada wuxuu u baahan yahay istaraatiijiyad ciidan, qorshe xorayn, xasilin iyo maamul is wata ah, abaabul bulsho, iyo ayidaad caalami ah. Madaxweynaha ayeyna ahayd…

Read More

Jubbaland ayaa ku baaqday in si wadajir ah loo wajaho dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, ayadoo si weyn u bogaadisay howlgallada ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo Macawisleydu ka wadaan deegaanada Hirshabeelle. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri” Dowladda Jubaland waxay si weyn u bogaadinaysaa dadaalka ay wadaan Ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada kaga jira deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Dadaalladan, haddii si mideysan loogu wada guntado, waxay horseedi karaan guulo wax ku ool ah oo lagu cirib tirayo kooxaha nabad-diidka ah.…

Read More

Iyadoo Talaaladadii lasoo dhaafay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho soo saartay fariin ay uga digeyso muwaadiniinteda ku sugan Soomaaliya weeraro argagixiso oo ka dhici kara goobo badan oo ku yaala Muqdisho oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Digniintaas ayaa markii ay soo baxday waxaa durba hakad uu ku yimid howlahii duulimaad ee shirkadaha diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines, kuwaas oo si ku meel gaar ah u joojiyay duulimaadyadii ay ku imaan jireen Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay ineysan dalka ka jirin wax khatar ah amni ah…

Read More

– Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay in la xidhay askari booliis ah oo muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay Khamiistii, isaga oo gabadh dhallinyaro ah u gacan qaadaya. Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in askarigaasi uu ku kacay ficil ka baxsan anshaxa booliska, isla markaana la horgeyn doono maxkamad si loogu soo oogo eedaha loo haysto. “Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Bol-Askari Hadi Cumar Baadi, kaasi oo gabadh yar dhirbaaxaya baraha bulshada lagu faafiyay, taasoo baal-marsan anshaxa iyo dhaqanka Ciidanka Booliska JSL. Eedaysanaha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada,” ayaa lagu yidhi warbixinta…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka ayaa sheegay in diyaaraduhu gantaalo la dhaceen deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaas. Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu sheegay in duqeymaha ay fuliyeen ciidamada Itoobiya ay ahaayeen kuwo ay hagaysay dowladda Federaalka. Wuxuu xusay in aanay suurtagal ahayn in duqeymo laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyada oo aan dowladda la ogeysiin. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashi amni, gaar…

Read More

Deegaanka Labogaras oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa mar kale maanta lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada deegaanka oo iska socda ay ka soo dul-dhaceen Shabaab badan oo geedo harsanaya. Dagaalkii ugu cuslaa oo galabta afurkii la isla soo gaaray ayaa dhacay, waxaana laga adkaaday Al-Shabaab oo halkaas lagu laayey, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiishii hogaamineysay howlgalka. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku soo biiray dagaalka, waxayna garab siiyeen ciidamada macawiisleyda deegaanka Labogaras, oo dagaalka bilaabay. Kooxda Al-Shabaab oo soo gashay Shabeellaha Dhexe, si weyna uga dagaalantay deegaano muhiim ah oo ay qaar qabsadeen ayaa dooneysa…

Read More

Diyaarado dagaal oo ay leedahay Itoobiya ayaa duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka shabeellada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi. Duqeymahan oo aan khasaaraha ka dhashay la shaacin ayaa noqanaya kuwii ugu horreeyay ee ay Itoobiya fuliso muddo sanado ah, lamana oga in dowladda Soomaaliya codsatay iyo in kale. Duqeymahani waxay ku soo beegmayaan xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii Ciidanka Itoobiya goballada Gedo, Baay, iyo Bakool looga soo wareejin lahaa, loona keeni lahaa deegaannada Hirshabelle.

Read More

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijisay in uusan jirin wax xayiraad ah oo saaran Garoonka Diyaaradaha ee Baardheere, islamarkaana duulimaadyadu ay si caadi ah u socdaan. Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in wararka la faafinayo ee sheegaya in dowladda federaalka ay xanibtay garoonka aysan sal iyo raad toona lahayn. Hadalkan ayaa yimid kadib markii siyaasiyiin iyo masuuliyiin qaarkood ay ku eedeeyeen dowladda inay xannibaad kusoo rogtay garoonka, taasoo ay sheegeen in ay dhibaato ku tahay shacabka ku nool gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, hay’adda duulista ayaa carrabka ku adkeysay in duulimaadyada Baardheere ay…

Read More