Author: ahmed ali

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Daahir Carab ayaa shaaca ka qaaday in aysan xiriir lahayn khudbadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Jimcihii jeediyay kagana hadlay inay jiraan dad shisheeye iyo kuwa gudaha kusugan oo abuuraya amni darri iyo digniintii kasoo baxday Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya. Safiir Daahir Carab ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya khudbadiisu ay ahayd mid ku wajahan shacabka uuna kaga hadlay arrimaha xilligaan ka taagan Soomaaliya gaar ahaan dagaalada socda iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidamada Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Dowladda Mareykanka oo xogaha amaanka ku saabsanna ay la wadaagto taa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee Iran, isagoo xusay in arrintaasi ay sababi karto dhibaatooyin ba’an oo saameynaya guud ahaan waddamada Gacanka Carbeed. Digniintan ayaa timid xilli xiisadda gobolka ay cirka isku sii shareerayso, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal dhaco. Haddii xarumaha nukliyeerka la burburiyo, sunta halista ah ee ka soo baxda waxay sababi kartaa wasakhayn ba’an oo gaarta biyaha Gacanka, taasoo si toos ah u saameyn karta nololsha shacabka ku nool Qatar, Imaaraadka iyo Kuwait. Biyaha Gacanka oo ah isha ugu…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xariirka ay la leedahay dalka isku tagga Imaaraadka carabtu uu aad u wanaagsanyahay, islamarkaana aanu wax ka badelayn booqashadii heerka sare ahayd iyo marti-qaadkii madaxweyne ee ay dhowaan u sameeyeen madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro. Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo wareysi siiyay TV-ga dowladda ayaa sheegay in Imaaraadku ay dhowaan madaxweynaha Soomaaliland ku marti-qaadeen shir ganacsi, taasi aysan wax dhibaato ah keenayn, asagoo intaa ku daray in ay Soo dhoweynayaan in madaxda dowlad goboleedyadu ay sidoo kale shirarka noocaas ah ka qeyb-galaan. Dowladda Imaaraadka ayaa dhowaan madaxweynaha Soomaaliland ku mart-qaaday hab-maamuus heer madaxweyne dal,…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku ku dilay madixii kooxda Al-Shabaab uqaabilsanaa Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Beledul-amiin ee degmada Afgooye. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Maxamed Maleele ayaa ka howlgali jirey tuulooyinka hoostaga deegaanada Sabiid iyo Beledul-amiin, si gaar ah dadka beeraleyda ah ayaa la sheegay inuu ka qaadi jiray Sakawaadka. Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhagarqabe Daa’uud ku dilay deegaanka Beledul-amiin ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegtay warbaahin

Read More

Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu ka socdo deegaanka Dooxada Dureera, oo u dhaxaysa Damala-xagare iyo Dawaco. Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo ismaandhaaf ka dhashay dhul daaqsimeedka Dureera, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ku dhowaad 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka. Dagaallada beelaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqday gobolka Sanaag. bishii Agoosto 2023, dagaal beeleed sababay dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo dhaawaca in ka badan 10 qof ayaa ka dhacay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag. Sidoo kale, bishii December 2023, dagaal…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Mareykanku uu dib u fasaxay deeqihii maaliyadeed ee uu Soomaaliya siin jirey, islamarkaana lacag ka badan bilyan barkii uu sanad walba ku bixin doono amniga dalka. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in aysan wax walba iska badelin dhaqaalihii uu ku bixin jirey amniga Soomaaliya, sidoo kale uu dib u fasaxay lacagtii uu ku bixin jirey arrimaha Bini’aadantinimada. Maamulka Trump ayaa dhowaan meesha ka saaray shaqooyinkii ay qaban jirtay hay’adda USAID, taas oo walaac ku abuurtay dalal ay Soomaaliya kamid tahay oo dhaqaale mashaariic iyo kab miisaaniyadeed…

Read More

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa kulan la qaatay Cuqaasha iyo Nabadoonada Gobolka Bari, isaga oo kala hadlay  arrimaha la xiriira hawlgalka ka dhanka ah Daacish iyo halka ay marayaan. Madaxweynaha ayaa bogaadiyaya ciidamada Puntland qeybta ka ahaa dagaalkii Daacish ee Buuraha Calmiskaad, isaga oo sheegay in waxii maanta ka horeeyay uu cafiyaya dambiyada ay galeen Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay in hadda kaddib aysan dhici doonin qof laga garaabi doono amni darro,isaga oo tilmaamay cidii isku dayda in ay amniga carqaladeyso dhinac loogu soo jeesan doono. “Ammaan darro cid aan ku xurmeyn doono majirto, mid-dhow iyo mid-dheer…

Read More

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi oo la hadlay arrimaha Amniga isla markaana Su’aalo laga weydiiyay qabsashadii ‘AS’ Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay qabsan karto balse aanay sii joogi karin. Cumar waxa uu sheegay in qalad dhacay ay ahayd in ‘AS’ qabsato Degmada Balcad balse la fahmay sidii uu qaladkaas u dhacay, waxa uu tilmaamay in ciidamada xoogga Dalka ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyaga oo diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa howlgalladaas. Dhul baaxad wayn ayuu shaaciyay in ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ay ka qabsadeen…

Read More