Ciidamada BDNF ATMIS ayaa siiyey adeegyo muhiimka ah saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo muddo shan todobaad ah usocday tababar ku saabsanaa ka hortagga Walxaha Qarxa (IEDs), adeegyadaa oo ay kamid ahaayeen Biyaha, sugida amaanka, Goobta tababarka, iyo adeegyada nadaafada.

Tababarkaas oo ay soo qabanqaabisey hayada QM ee UNMAS oo ayna fududeysay Hay’adda TDI, ayaa ka dhacey xerada ATMIS ee qaybta 5 aad,oo ku taalo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Advertisement

Taageerada ATMIS waxay xaqiijisey jawi amaan ah, taasoo kor u qaadey awooda CXDS si ay uga hortagaan khataraha walxaha Qarxa, ayna uhormariyaan xasiloonida.

Tababarka ayaa fure u ah in laga hortago walxaha qarxo oo in ta badan maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku xiraan Waddooyinka Muhiimka si loo ilaaliyo dhaq-dhaqaaqyada militariga iyo kuwa rayidka ah. #ATMISIyoqaybaheeda.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here