KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Taliska Midowga Afrika ee magaca Atmis kaga howlgala Somalia ayaa shaaciyay inay dhex dhexaad ka yihiin muranka doorshooyinka iska soo horjeeda ee ka jira Magaalada Kismaayo oo ah xarunta Maamulka Jubaland.
War ka soo baxay Howlgalka ATMIS ayay ku cadeeyeen inay kor kala socdaan eedaha loo soo jeediyay ee ku saansan siyaasadaha iska soo horjeeda ee la xiriirra doorashooyinka Kismaayo, waxayna tilmaameen inay dhex dhexaad ka yihiin is qabqabsiga.
“guud ahaan nidaamyada doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan midka hada ka taagan Kismaayo waxaan ka nahay dhex dhexaad, eex la’aan “ayaa lagu war qoraala oo ka soo baxay Taliska Atmis.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa beri Kismaayo ku qabanaya doorasho ay u badan tahay inuu isagu ku soo bixi doono madaama guud ahaan amniga iyo maamulka halkaasi ka jiraba isaga ay hoos tagaan.
Sidoo kale kooxaha mucaaradka ku ah Axmed Madoobe ayaa iyaguna shalay Kismaayo ku doortay Madaxweyne taasoo xisad dagaal shalay ka riday Kismaayo waxaana ku dhintay mid ka mida ilaalada Madaxweynaha ay doorteen mucaaradka Axmed Madoobe markii ay isku dhaceen booliiska Jubaland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM