ATMIS
kadib markii doraad 2 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah ay si xun u dileen Ciidamada ATMIS ee ka howlgala Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Buula-mareer ayay ugu dambeyn ka jawaabeen sida wax u dhaceen.
Qoraal aan ka soo xiganay BBC Somalia ayaa sidan u qorneyd:-

“Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee midowga Afrika Soomaaliya (ATMIS) wuxuu si qoto dheer uga walaacsan yahay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Buulo Mareer 17kii Luulyo 2024, taasoo ay ku lug leeyihiin khasaaraha laba qof oo rayid ah iyo dhaawac soo gaaray mid kale.

“ATMIS waxay ka warqabtaa eedeymaha warbaahinta ee ku xiriirinaya hawlgalka dhacdooyinkan nasiib darrada ah.

Advertisement

“Hawlgalku wuxuu bilaabay baaritaan dhab ah oo ku saabsan eedaymaha, wuxuuna halkan ugu xaqiijinaynaa dhammaan daneeyayaasha in natiijada loo soo bandhigi doono dadweynaha marka la soo gabagabeeyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ATMIS.

Si la mid ah sida uu Cabdulqaadir Cabdinuur Cismaan Diinle ugu warramay BBC iyo xogta la mid ah tan uu bixiyey ayaa isna waxaa Radio Dalsan u sheegay Cabdicasiis Xaaji Maxamed oo la sheegay inay ehel yihiin dhibaneyaasha.

Weli dhinaca dawladda Soomaaliya ama maamulka koofur galbeed oo deegaankaas uu hoos tago midkoodna kama hadlin dhacdadan.

Isla deegaanka Buulo mareer ayaa horraantii 2016 waxaa dil loogu gaystay dad rayid ah oo la sheegay inay dileen askartii AMISOM, waxaana loo xiray qaar ka mid ah askartaas oo markii dambe qaarkood ay maxkamad xukuntay.

Bishii Agoosto ee 2021 ayaa dhacdo lagu eedeeyey ciidankii AMISOM inay dad rayid ah dileen waxay ka dhacday deegaanka Golweyn oo masaafo aan fogeyn u jira Buulo mareer.

XIGASHO BBCSOMALIA
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here