Mas’uulka ugu sarreeya ATMIS ee Caafimaadka, Dr Papa Fali Alione, ayaa kula kulmay Taliyaha Qaybta 2-aad, Sarreeye Guuto Seif Salim Rashid, Xarunta Dhexe ee Dhoobley si uu u qiimeeyo awoodda caafimaadka isla markaasna ugala hadlo taliyaha guulaha iyo caqabadaha hawlgallada.
Dr Alione ayaa ku ammaanay kooxda caafimaadka KDF ATMIS
ee ka hawlgasha Isbitaalka Heerka 2-aad ee Dhobley sida ay daryeel caafimaad oo tayo leh u siiso ciidanka KDF, Ciidanka Amniga Soomaaliya, & bulshooyinka deegaanka, si waafaqsan waajibaadka ATMIS.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay ahmiyadda xiriirka wanaagsan iyo iskaashiga si loo helo hawlwadeenno u diyaarsan gudashada waajibaadka Hawlgalka ATMIS iyo qeybaheeda.
XIGASHO TALISKA ATMIS



Advertisement