Atletico Madrid Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Liverpool Ee Julian Alvarez

Atletico Madrid ayaa xidhay wararka xanta ah ee Julian Alvarez la xiriirinaya Liverpool, iyadoo ku adkeysaneysa inuusan iib ahayn weeraryahanka Argentina.

Inkasta oo uu wakiilkiisu sheegay in ay suurtogal tahay in uu baxo, haddana agaasimaha ciyaaraha ee Atletico Carlos Busero ayaa si cad u sheegay in aanay jirin wax dalab ah oo rasmi ah oo ay heshay waxana ay beeniyeen wararka la xidhiidhinaya Liverpool.

Alvarez, oo dhaliyay 23 gool 44 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, ayaa loo arkaa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasha Diego Simeone.

Busero ayaa u sheegay 365scores”Hadalada ku saabsan in Liverpool ay soo gudbisay dalab rasmi ah si ay ula soo saxiixato ciyaaryahankeena Julian Alvarez waa been”ayuu yidhi.

“Kaliya waxa la hadal hayo waa hadalo xan ah”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay mawqifka kooxda, isagoo yiri, “Alvarez waa ciyaaryahan muhim ah oo muhiim u ah mashruucayaga, mana jirto wax niyad ah oo aan ku fasaxeyno”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here