MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta dalacsiiyay askarigii dhawaan lagu feeray xarunta baarlamaanka.
Askarigaan oo lagu magacaabo Xusseen Maxamed Xassan ayaa loo dalacsiiyay darajada Laba Xidigle waxaana u xirey taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya Asad C/laahi.
 Laba Xidigle Xusseen Maxamed Xassan waxaa lagu yaqaan askari asluubeysan oo dulqaad badan taasoo cadeyna ay u tahay siduu isku xakameeyay islamarkaana uusan wax jawaaba kaga bixin iyadoo feer lala dhacayo ilaa madaxa uu dhibaato ka soo gaaray isbitaalna uu u galay.
Taliska Booliiska ayaa cadeeyay in Isbatooruhu dalacsiinta uu ku muteystay siduu isu xakameeyey xili uu wajibadkiisa shaqo gudanaayay xili uu dhiig ka socday.
Xildhibaan firinbi ayuu ahaa mudanihii askarigaani feeray 27-kii November ee sanadkii tagey kaasoo ugu dambeyn raali gelin iyo xaalba ka bixiyay dhacdadaasi.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement