MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Askari hubeysan oo ka tirsan Milatariga Dowlada Somaliya ayaa xalay  ku dilay Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho xaaskiisii hore iyo hooyadeed kadib markii uu ugu tagay hoygooda.

Allaha u naxariistee xaaska hore ayaa maalmo ka hor guursatay nin, waxayna ku jirtayba maalmihii arooskeeda,waa dhacdo naxdin iyo argagax leh.

Advertisement

Dad goob joogayaal ah islamarkaana ehelna la ah dadka la laayay ayaa warbaahinta u sheegay in Askarigu hubeysnaa uu qorey watay, wuxuuna yimid guriga lagu soo aroosay xaaskiisa hore.

Gacan ku dhiiglaha wuxuu ugu horeyn xabad ku dhuftay sodohdiis hore maama Muslimo Macalin  kadib ayuu hadana xabad ku dhuftay xaaskiisii hore Nasteexo Nuur Dable xili ninkii dhawaan guursaday uu hurdaayay.

Askariga gacan ku dhiiglaha waxaa la sheegay in falkaani uu geystay xalay waqti danbe islamarkaasna uu baxsaday oo aan ilaa hada la qaban.

XAFIISKA MUQDISHO 
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here