HomeWarkiiAskari reer Puntland oo nin Tima-jare ahaa ku dilay Garowe

Askari reer Puntland oo nin Tima-jare ahaa ku dilay Garowe

GAROWE (DAYNIILE)-Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay fiidkii halkaasi lagu dilay nin dhalinyaro ahaa kaasoo tima-jare ahaa.

Askari reer Puntkand oo tima-jaraha u tagay in tintiisa loo jaro ayaa la soo sheegayaa inuu muran dhanka lacagta ah soo kala dhex-galay isaga iyo tima-jaraha taasoo ugu dambeyn keentay in askarigii toogto wiilka.

Wararku waxay tilmaamayaan in isla goobta xabada lagula dhuftay uu ku dhintay wiilkii tima-jaraha ahaa Rabi ha u naxariistee.

Wararka aan heleyno ma xaqiijin in askariga ay qabteen hay’adaha amaanka iyo inuu baxsaday.

Allaha u naxariistee wiilka la dilay ayaa la sheegay inuu mudo 8 sano ah ka shaqeysanayay Magaalada Garowe balse xalay waqtigiisu intaasi ku ekaa islamarkaana uu ku baxay gacanta askarigaasi reer Puntland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -