MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Askari ka tirsan Booliiska Haram-cad oo magaciisana lagu sheegay Maxamed Nuur ayaa xalay u dhintay si uu u bad-baadiyo shacabkii lagu weeraray Hotel Beach View.

Askarigaan ayaa markii uu maqlay Alshabaab inay Hotel ka dhexdiisa iyo xeebta liido ku  tooganayaan dadkii shacabka ahaa ayaa ka soo baxay Taliska Booliiska Haram-cad , wuxuuna toos uga howl-galay halkii mashaqadu ka socotay ee xeebta Liido.

Advertisement

Askariga oo geesi ahaa ayaa gudaha u galay  Hotelka Alshabaabku haysteen,waxaana u suurtagashay in sababtiisa ay hoteelka ka soo baxaadaan dad ku dhaw 20-ruux.

Ugu dambeyn askari Maxamed Nuur Rabi ha u naxariistee wuxuu shahiiday isagoo la dagaalamaya Alshabaab.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in askariga intuusan dhiman ka hor uu dar-daarmay isagoona shacabka fariin u reebay.

“haddii aan howlgalkaan ku dhinto , waxaan shacabka Somaliyeed ka codsanayaa inay ii soo duceeyaan”ayuu yiri Askariga

“dadkeyga ha ogaadaan in aan iyaga dartood u dhintay,”ayuu mar kale yiri askariga.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here