MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Wada-jir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaaada Nasteexa goor dhaw oo galabta ah lagu dilay askari ka tirsanaa Milateriga Somaaliya.

Wararku waxay tilmaamayaan in dilkaasi uu geystay askari kale oo Booliiska ka tirsanaa kaasoo magaciisa lagu soo gaabshay Faragaanjo oo caana ku ah inuusanba amaanka xiran.

Advertisement

Allaha u naxariistee Askariga la dilay oo isa magacaiisa lagu soo koobay Cabaas ayaa ka tirsanaa Milataeriga kumaandooska Danab, wuxuuna iska fadhiyay goob ganacsi markaasoo si kadis ah looga war helay dhawaqa xabada oo madaxa kaga dhacday iyo isagoo sii dhacaya.

Ciidamada Dowlada ayaa la soo sheegayaa inay ku guuleysteen soo qabashada gacan ku dhiiglaha oo aad looga yaqaan degmada Wada-jir , mar kasta oo uu magaalada soo galana aan amaankaba xiran.

Taliska Booliiska qeybtiisa danbi baarista ayaa durba shaqadooda guda galay waxayna baarayaan sababta dilka iyo waxa keenay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here