CEELBARAF (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Duleedka Degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw lagu dilay ku dhawaad 10 askari oo ka tirsanaa Milatariga Somalia kuwaasoo mooto sedex lugaleeyah  la socday.

Askarta la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen 7 ruux kuwaasoo la sheegay inay heleen fasax dhanka shaqada ah, sidaas daraadeedna ay u socdeen qoysaskooda si ay waqti ula soo qaataan balse dhexda loo galay.

Advertisement

Maleeshiya beeleed hubeysan ayaa la sheegay inay weerareen mootada nuuca sedexda lugood oo ay wateen sidaana ay ku qaarajiyeen dhamaantood marka laga reebo mid sideedaad oo ka baxsaday weerarkaasi.

Wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya in weerarkaani iyo dilkaanba loo geystay aano qabiil xili la xasuusto in dhawaan ay xadka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ku dagaalameen laba beelood oo labada gobol kala degta taasoo ugu dambeyn dadaal dowladu sameysay lagu joojiyay walow ay dad badan iska dileen.

Dowlada dhexe iyo Maamulka Hirshabelle ayaa la soo sheegayaa inay durba saraakiil u direen tuulooyinka hoos taga degmada Ceel-bara ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo ah halka mashaqadu ka dhacday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here