Allaha u naxaristee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada Axmed Xaaji Cilmi Guure (Axmadeey Hiiraan) oo ahaa aasaasihii mareegta warbaahinta Hiiraan Online.

Wariye Kabtan Axmadeey Hiiraan wuxuu sidoo kale ahaa duuliye diyaarad ama Baylood iyo samafale bulshada Soomaaliyeed wax tari jirey.

Advertisement

Geeridiisa waxaa durba ka hadlay Siyaasiyiin iyo wax-garad Soomaaliyeed oo caan ah  waxaana ka mida Xildhibaan C/raxman C/shukuur Warsame  kaasoo bartiisa facebook caawa saq dhexe soo dhigay geerida iyo tacsida wariyahaasi.

“Waxaan qoyska, ehelka iyo asxaabta uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid aasaasihii mareegta warbaahinta Hiiraan Online kabtan Axmadeey Hiiraan”ayuu yiri Xildhibaan C/raxman

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here