Daafaca kooxda Arsenal ee Riccardo Calafiori ayaa dhaawac uga baxay xulka qaranka Italy xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in uu garoomada ka maqnaan doono laba ilaa saddex todobaad taas oo shaki galinaysa taam ahaanshihiisa kulanka Real Madrid ee champions league.
Calafiori ayaa lagu qasbay in uu dhaawac uga boxo kulankii xulka qarankiisa Italy la ciyaarayay xulka Germany kulan ka tirsanaa Nations League.
Waxa la isku dayay in lagu daaweeyo garoonka dhexdiisa laakiin waxa uu ugu dambayn ka baxay ciyaarta markii uu sii Wadan kari Waayay.
Xiddiga ayaa wax Laga waydiiyay dhaawaca markii ay ciyaartu dhamaatay waxana uu ku jawaabay waxba kama garanayo
Tababaraha xulka qaranka Italy Luciano Spalletti ayaa yidhi: “Weli garan mayno, waxa uu sheegay in uu jilibka ka dareemay xanuun laakiin si sax ah ugama jawaabi karo taas, markaa waa inaan aragnaa”.
Calafiori ayaa maray tijaabada dhaawaca jimcihii, iyadoo Italy ay haatan xaqiijisay inuu ku laaban doono Arsenal islamarkaana uusan wax qeyb ah ka ciyaari doonin kulanka lugta labaad ee Germany ay Axada ku wajahayaan Dortmund.