HomeCiyaarahaArsenal Ma Heli Doonto Mar-Marsiiyo Hadii Ayna Ku Guulaysan Premier League.

Arsenal Ma Heli Doonto Mar-Marsiiyo Hadii Ayna Ku Guulaysan Premier League.

William Gallas ayaa sheegay in Arsenal aysan heli doonin cudur daar aysan ku qaadin horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda hadii ay la soo wareegaan bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa u muuqatay kuwo ku dhamaysan doona kaalinta 3-aad xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh Ah iyaga oo ka dambeeya kooxda Liverpool.

Arsenal ayaa la daristay dhaawacyo iyada oo Wayday xiddigaha ugu fiican kooxdeeda kana mid yahay Bukayo Saka.

Bukayo Saka ayaa ku sii dhawaanaya soo laabashadiisa la sugayay ka dib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray bishii November, laakiin weeraryahanada Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ayaan mar kale ciyaari doonin xilli ciyaareedkan

Arsenal ayaa la sheegay in ay si aad ah ugu dhibaatootay weerarka una baahanyahay weeraryahan cusub xagaaga.

Xiddigii hore ee Arsenal Gallas ayaa sheegay in ayna Arsenal heli doonin cudur-daar hadii ayna ku Guulaysan Premier League xilli ciyaareedka Soo socda hadii ay la soo saxiixato weeraryahan Alexander Isak.

“Hadii ay Arsenal la soo wareegto Alexander Isak ma heli doonto marmarsiiyo ay ku guulaysan waayaan Premier League, marmarsiiyo ma yeelan karaan” ayuu u sheegay xiddiga reer France Spin Genie.

“Haddii ay saxeexaan Isak oo ay ku guulaysan waayaan, dhammaanteen waan garan doonnaa cidda ku guuldarraysatay”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -