JOS NORTH (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Nigeria ayaa sheegaya in Kulliyada Saints Academy oo ku taal degmada Jos North ee gobolka Plateau uu dumay subaxnimadii Jimcaha, xilli ardaydu ay ku jireen fasalka.

Iskuul dumay wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ardeyda halka intii soo hartayna laga daad gureeyay.

Advertisement

Warbaahinta madaxa banaan ee Dalka Nigeria ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 12 caruur ah oo ardada ka mid ahaa ay dhinteen kadib burburka ku yimid dhismaha iskuulka halka tobanaan  kalana ay dhaawacmeen.

Iskuulka soo dumay ayaa ku yaal Gobolka Plateau ee  bartamaha waqooyiga Dalka Nigeria.

Wakaaladda Maareynta Degdegga ah ee Qaranka Nigeria ayaa sheegtay in samatabbixinta iyo shaqaalaha caafimaadka, iyo sidoo kale ciidamada ammaanka, la geeyay goobta.

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya dad badan oo isugu soo baxay halka mashaqadu ka dhacday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

nigeria

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here