Prof.Yaxye Sheekh Caamir oo ka mida aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si iskiis ah u sameeyay baaritaano ku aadan tayada cuntada Soomaaliya ganacsi ahaanta loo keeno kuwaasoo cuduro badan ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyeed.
Faahfaahinta raashinka uu Yaxye Caamir baaray waxaad kaga bogan kartaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuuna u qornaa sidan:-
Cudur Beec ah.
Araar: Ganacsatadu ha iga raali noqdeen.
Dalka waxaa ku soo batay Cuduro ay ka mid yihiin, Gaas Calooleed, kaadida oo la cesha waayo Qofkii oo aan Sokorow iyo Burustaato qabin, Neef tuu’r, xididada oo Xirmo, Saxarada oo is bedesho iyo Xanuuno kale oo Dalka ku cusub Saqiir iyo Kabiirba.
Maanta waxaa ii suura gashay in aan Baaritaan Hor dhac ah ku sameeyo, Cuntooyinka naloo keeno qarkood.
1. Burka Mumtaz ee 25kg ee laga keeno Dalka Turkiga. Qamadiga ku jiro Qiyaastii kama badno 30%, inta kale waa waxyaabo dambas kiimikaad ah. Isla Burkaan 25kg waxaa lagu iibiyaa Magaaladda Istanbul oo ah halka aan ka soo gadano 20 Dollar.
Laakin, Suuqyada Xamar waxaa lagu iibiyaa 12 Dollar Burkaan Mumtaz.
labada Burba waxaa lagu sameeyaa Hal warshad waana isku magac. laakin, kan naloo soo dhoofiyo ee Raqiista ah lama ogolo in Istanbul dhaxdeeda lagu isticmaalo.
Burkaan Mumtaz ee Naloo keeno, Inkasta oo ay ku dul qoran tahay in uu dhacayo Hal sano kadib, Haddana waxa uu jiri karaa 2 Bil, wixii ka dambeeyo waa in Ganacsatadu ay iska xaraashaan sababta oo ah waxaa isbedelayo Urkiisa iyo dhadhankiisa, waxaana laga qaadi karaa Cuduro. Ganacsatada Somalida ayaa Dalbato nuucan raqiista ah waxaana la keenaa Dalka, 8da Dollar ee u dhexeeyso labada Sicir ee isla Labada Mumtaz qiimo ahaan ma ahan Faa’iido u soo hartay Shacabka ee Marka aad ku xanuunsato ayaad ku iibsanee Daawo laga keenay Turkiga ama meela kale, ama Caafimaad ayaad Hindiya u aadee.
Ma ahan khalad ay sameysay Dowladda Turkigu ee waa xiriir dhax maray laba Ganacsato, laakin, waxaa ku filan in laga Codsado Dowladda Turkigu in ay hor istaagto in naloo soo dhoofiyo wax ka hooseeyo Standard ay iyagu isticmaalaan, Burka aan wanaagsaneyn ma ahan Mumtaz oo kaliya ee Nuucya badan oo Wadamo badan laga kala keeno ayaa jiraan
. ( F.S:1-2aad)
2. Baastada loo yaqaan ( Badria) in kasta oo Xayeesiin ahaan loogu qoray (Italian Qualty) Nuuca Talyaaniga. Hadana laguma sameeyn Dalka Talyaaniga ee waxaa laga keenaa Dalka Turkiga.
Waxaana laga sameeyay Qamadi Tayadiisu Hooseyso oo ay Dalbadeen Ganacsatada Somalidu. (F.S:3aad)
3. Caana Buuraha oo Badanaa ka yimaad Imaaraadka, Hindiya iyo Sucuudiga. ( Wadamadaa oo aan Xoola Badanba Qabin oo aan Anaggu Xilbka u dhoofino ayaa noo soo dhoofiyo Caano) .
Caanaha naloo keeno kuligood Caano saafiya ma ahan ee waa ( Fake) laga qaado Cuduro badan. (F.S:4aad)
Baararka Magaalada Mogadishu, markii aad Shaah Cadeeys ah Dalbato haddii uu Caano Booro yahay waa 1 Dollar, Haddii uu yahay Cadeysku Caana Geel waa 1.5 Dollar, waxaa laguugu daraa Hal macalgo oo Caano Geel ah oo qiimaheedu yahay Nus Dollar. Haddiise Caana Booro in laguugu cadeeyo aad Dalbato, waxaa laguu dhaafaa nus Dollar aad Hore kaniini uga sii iibsato Farmashiyaha ileeyn Xanuun ma huraa tahaye.
Codsi
Hayadda Taya dhowrka Dalka, Wasaaaradda Caafimaadka, Ganacsatada iyo Dowladda Turkiga waxaan ka codsanaa in ay tix galiyaan Caafimaadka Bulshada masaakiinta ah. Baraha Bulshaduna waxa ay xayeysiinayaan hanaga Hubiyeen.
Ma ahan Dalka Turkiya oo kaliya meelaha naloo keeno Cuntada aan u fiicneeyn Caafimaadka Bulshada, Turkiga ayaaba ugu roon inta wax noo soo dhoofiso.
Intaa ayaan ku soo koobayaa, Cilmi baaristeydii Koobneed ee Maanta, Xirfadeeyda ma ahan arrimaha Caafimaadku, laakin Cilmi baarista ayaa ah.
Mar kale Ganacsatada iyo inta ay dhibee in Xogtaan aan Dadka la wadaago ha iga Raali noqdeen. Adiguna ogaalkaaga nala wadaag.
FG: wixii ka dhimanna ku dar, wixii la khaldan ka sax.
Qore: Yahya Amir
May be an image of ‎text that says "‎พิ هکه Mumtaz WHEAT FLOUR PREMIUM QUALITY ORIGIN ORIGIN:TURKEY : TURKEY NET NETWEICHT WEIGHT :25KG 25 KG Dr Store‎"‎May be a graphic of text that says "ASH AX (%) %):0,65 0,65 MOUSTURE (%):14,0 14,0 (%) Protein (%) :11,00 GLUTEN(% (%) :26 GLUTEN INDEX (%):90 :90 (%)"May be an image of 1 person, breadstick, pasta and text that says "Badria PASTA 10/01/2024 10/01/2026 0124A05 052 ITALIANQUALITY Spaghetti TO Cooking SPECI ECIALEXTE LEXTRA TRA BEST SONETTO-NETW. ISNET -PESO PESOLIQUIDO IQUIDO NETV EIGH വോചചിം"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here