Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay shir looga hadlaayay maqaamka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaasoo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin Dowlada ka tirsan.
Shirkaani waxaa loogu magac daray la tashiga qeybaha bulshada ee maqaamka caasimada Soomaliya ee Muqdisho.
Shirkaanu waa muhim, Dad mudanna waa ka muuqdaan. Laakin, maxaa loo qariyay oo Garab iska taabad looga dhigay.
Ma go’ aan hore Dad gaara u dagsadeen ayaa Dadkaan marka ay kala tagaan dib laga soo saari rabaa si loogu xalaaleysto.
Haddii waxa meesha ka socdo ay Seminar iyo Sambuusi wadkii galay ay yihiin, horaan u soo aragnay. Haddiise Maqaam iyo mustaqbal ummadeed ay yihiin yaan lagu deg degin.
Runta in la isku sheego ayaa Haboon. Waa la yaqaan mowqifka Dadka deegaanka, wixii taa ka duwan, Xatta NATO kam fulin karto magaaladda.
Waxaan shirka u rajeeynaa Guul, in waddada Cadaaladda Alle tuso, Runtana in aynan ka baqin kana xishoon, si Dalka iyo Deegaanku Nabad iyo Huruumar u gaaran.