HomeWarkiiDAAWO: Amar Dowladu si gaar ah u dulsaartay shacabka Degmada Dayniile

DAAWO: Amar Dowladu si gaar ah u dulsaartay shacabka Degmada Dayniile

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Deyniile oo shalay kormeer ku sameeyay daafaha Caasimadda gaar ahaan Degmada Dayniile ayaa amar culus waxay si gaar ah ugu soo rogeen  shacabka Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha kormeerka sameysay oo uu ku jiro Gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa ku amray dadka leh dhulalka banaan ee daafaha dayniile inay geed yuhuudka iska jaraan.

mulkiilayaasha dhulalka bannaan ee uu ka baxay geed-yahuudka ee degmada Dayniile waxay dowladu uga digtay hadii falal amaan daro ashabaab ku geystaan in lagala wareegi doono hantidaasi.

Dowaladu waxay sheegtay in booskii lagu sameeyo falal amniga lidi ku ah inay isla saacadaasi Dowladu la wareegi doonto,waxaana lagu amray milkiilayaasha inay geedka yuhuuda iska jaraan islamarkaana ilaashadaan hantidooda.

Amarkaan waxaad moodaa mid culeys ku ah shacabka Dayniile madaama shaqada amniga ay tahay mid Dowlada iyo sirdoonkeeda u yaal,waxaana muuqata in shacabka ay ku adag tahay boosas meel cidla ah ku yaal oo qofi daganeyn inay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ka jira.

Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka kormeerka amni ee saraakiisha Dowlada iyo Gudoomiyaha Degmada Dayniile:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -