AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Xooga Dowlada Somalia ayaa maanta howlgal ay ka fuliyeen duleedka Degmada Afgooye waxay ku soo qabqabteen dagaal yahano alshabaa ka tirsan halka kuwa kalana dileen.

Saraakiil ka tirsa Ciidamada howlgalka fuliyaya ayaa saxaafada u  sheegay inay ka war heleen kooxo alshabaab ka tirsan oo sida ay sheegen doonayay inay dadka safarka jidka u galaa sidaas daraadeedna uu howlgalku ahaa mid looga hortagayay.

Advertisement
Saraakiisha waxay sheegen in deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 2 ka tirsan alshabaab halka ay nolosha ku soo qabteen 13 kale.
Maaha markii ugu horeysay oo ciidamada Dowladu howlgal ka fuliyeen duleedyada Degmada Afgooye ,sidoo kale alshabaab kama aysan hadlin warka Dowlada ka soo baxay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here