MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida ay sheegtay Idaacada Shabelle oo soo xiganeysa qoraal ka soo baxay xerada reer Galbeedku degan yihiin ee Xalane ayaa lagu shaaciyay digniin ku socota  hay’adaha amniga Dowlada Somalia si ay uga hortagaan.

Reer Galbeedku waxay ka digayaan weerar qaraxyo  loo adeegsado oo Alshabaab soo qorsheeyeen kaasoo asbuucyada soo socda la damacsan yihiin Magaalada Muqdisho goobo ka mid ah sida meelaha ugu mashquulka iyo dadka badan.

Advertisement

Meelaha Alshabaab taar-gadka u noqon kara ayay ku kala sheegeen xeebta liido,Hotel SYL,guud ahaan wadada Maka-Al-mukarama,isgoyska KM4 , jag boyntiyada NISA ee Muqdisho , isgoyska Dabka, Liido Beach iyo Jaziira Hotel.

Qoraalka Xalane ka soo baxay waxaa sidoo kale lagu shaaciyay in Hay’adaha amniga Dowlada lala wadaagay digniintaan xili dhowr marna sidan oo kale digniinanaha nuucaan ah ay run noqdeen taasoo shaki badan shacabka gelisay.

Shacabka Soomaaliyeed waxay tuhunsan yihiin in xeyndaabka Xalane laga soo abaabulo qaraxyada madaama mar kasta ay iyagu sii shaagan qaraxyada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here