BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabab ayaa la soo sheegayaa inay hoobiyayaal ku gareen xaafada ka tirsan Magaalada Baydhabo kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.
Inta la ogyahay hooyo iyo cunug ay dhashay ayaa ku dhintay madaafiicda ay alshabaab soo tuureen kadib markii uu mid ka mida ku habsaday gurigooda oo ku yaal xaafada Wada-jir ee Baydhaba.
Sidoo kale 4 caruura ayaa ku dhaawacmay hpoobiyayaashaasi ay soo tuureen kooxda Alshabaab taasoo maanta dadka baydhaba gelisay cabsi iyo jahawareer.
Madaxda Maamulka Koofur-Galbeed iyo hay’adahoodaamnigaba wali kama hadlin hoobiyayaashaan iyo khasaaraha ay shacabka gaarsiiyeen.
Dhanka kale weerarkaani waxaa uu ku soo aadayaa xili dhawaan ciidamada daraawiishta koofur-galbeed ay duleedka Baydhaba ku laayeen alshabaab badan gaar ahan halka la dhaho Day-nuunay markaasoo meydadka alshabaabna ay shacabku ku daawadeen gudaha Magaalada Baydhabo,waxaana macquul ah in weerarkooda maanta uu aargudasho u egyahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM