JILIB (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa baahisay sawirada abwaanadii Somaliland ka soo jeeday ee dhawaan dhankooda u goostay islamarkaana loo diyaariyay ka qeybgalka dagaalada ka dhanka ah Dowlada Somalia.

Abwaanada oo kala ah Nageeye Cali Khaliif  iyo  Abwaan Cwaaxid Cali Gama’diid ayaa sawiradu muujinayaan iyagoo wata dareyska ciidamada milateriga iyo qoryaha nuuca loo yaqaan AK47 .

Advertisement

Abwaan Nageeye Cali Khaliif ayaa macalin ka ahaa jaamacada Ummada ee Magaalada Muqdisho taasoo ay Dowlada Somalia maamusho ka hor intuusan u goosan Alshabaab, waxaana mudo laga hadal hayay baraha bulshada.

Sidoo kale Abwaan Cwaaxid Cali Gama’diid ayaa ku faanay inuu mar horaba qaatay fikirka kooxda alshabaab xili dhowr marna la xirey iyadoo mar Magaalada Garowe lagu xukumay dil toogasho balse odayaal reerkiisa ah ay Puntland ka soo daayeen.

Si kastaba Labadaan Abwaan oo uu sedex ku yahay Sheekh Aadan Sunne oo dhamaantood ka soo jeeda deegaanada Maamulka Somaliland ayaa  dhawaan u wada goostay kooxda Alshabaab iyagoo iska xaadiriyay Magaalada Jilib sida saxaafadu xustay.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here