War dhanka Alshabaab ka soo baxay ayay ku qirteen dil maanta loo geystay sarkaal sare oo ugu qaabilsanaa Gobolada Dalka Somalia.
Alshabaab waxay cadeeyeen in sarkaakaasi lagu duqeyn ay gaysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka sida ay iyagu shaaciyeen.
Weerarka sarkaalka looga dilay waxay sheegeen inuu ka dhacay duleedka deegaanka Kuunyo Barow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, magaciisana waxay ku sheegeen Sheekh Maxamuud Mire Jaamac Allaha u naxariistee.
Dowlada Somalia ayaa goor dhawayd warsaxaaadeeed ay soo saartay waxay ku shaaciyeen dilka sarkaalkaan Alshabaab ugu qaabilsanaa Gobolada Dalka halka ugu dambeyna alshabaab dhankooda ka qirteen in duqeyn dhanka cirka ah uu ku baxay Sheekh Maxamuud Mire Jaamac oo ahaa sarkaal iyaga ka tirsanaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM