AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Koox ka tirsan Alshabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Xaawo-Cabdi oo dhaca inta u dhexeysa Afgooye iyo Magaalada Muqdisho.
Kooxdaan oo kaliya is muujin ka rabay ayaa qaar ka mida gaadiidka waxay ku istajiyeen kuna baareen deegaankaasi Xaawo Cabdi balse daqiiqado kadib waxaa goobta gaaray ciidamada amaanka Dowlada Somalia ee meelahaasi ka ag-dhawaa.
Ciidamadaan oo Booliis iyo nabad sugid isugu jiray ayay fooda is dareen kooxda Alshabab kuwaasoo goobta laga raacdeeyay daqiiqado kadib,xili wararka qaarna sheegayaan in hubkii ay wateen qaar lagala haray islamarkaana xaalada markiiba caadi lagu soo celiyay.
Alshabaab ayaa sidoo kale saaka duulaankii ay ku qaaden deegaanka Sabiib ilaa caawa saameynteeda halkaasi laga dareemayaa walow ciidamada Dowladu ay Alshabaab ka saareen deegaankaasi markii ay saaka waqti kooban la wareegeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM