Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo Ciidamadda Degaanka ayaa la soo sheegayaa inay maanta howlgal ka dhan ah Alshabaab a fuliyeen dhulka howdka ah ee u dhexeeya degmada Ruun-nirgood iyo degaanka Cali Heelo.

War dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu shaaciyay in ciidamada isbahaysanaya ay howlgalkaani ku dileen tiro ka mida dagaal yahanada Alshabaab.

Advertisement

Ciidamadaan waxay sidoo kale dagaalka ku soo furteen hub u badnaa nuuca daran-dooriga u dhaca sida AKL 47 iyo qoreyga Soomaalidu u taqaab daba-jeexa sida ka muuqatay muqaal TV-ga Qaranka lagu shaaciyay.

Taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya Jen.Dayax oo durba maanta dhiira-gelin ugu tagay ciidamada guusha gaaray ayaa ku amaanay talaabada ay qaadeen.

“sidii caadada u ahayd Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka waxay maanta dhabarka ka jabiyeen cadowga ,jab xooggan ayayna gaarsiiyeen, kuwaasoo ku dhuumaaleysanayay inta u dhexeysa degmada Ruun-nirgood iyo degaanka Cali Heelo “ayuu yiri Taliye Jen.Dayax

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here