KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanada Maamulka Jubland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay Alshabab laga saaray deegaan ay hore gacanta ugu hayeen.

Ciidamo iskaashanaya oo Dowlada iyo Maamulka Jubaland ka kala tirsan ayaa xoog milatari  kula wareegey deegaan istaraatiiji ahaa oo ay Alshabaab maamuli jireen kadib duulaan ay ku qaadeen

Advertisement

Deegaankan  Alshabaab laga saaray ayaa lagu magacaabaa Filfile, wuxuuna  dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose,  halkaasoo laftigeeda dhawaan ay ahayd markii Alshabaab laga saaray.

Xoogaga Alshabaab ayaa waxaa la soo sheegayaa in deegaanka Filfile uu u ahaa fariisin muhiim ah islamarkana ay ku ururshaan lacag ururinta ay u yaqaanaan Zakawadka.

 

Saraakiisha hogaamineysa howlgalkaan ka dhanka ah Alshabaab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarada Alshabaab ay kaga saarayaan meelaha ay kaga sugan yihiin deegaanada Maamulka Jubaland oo ka mida meelaha ay Alshabaab ugu xooggan yihiin guud ahaan Soomaaliya.

 

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here