UFUROOW (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan alshabaab ay dhexdooda isku rasaaseeyeen degmada Ufurow.

Labada koox ee alshabaabka isla wada ah waxay isku qabteen sida wararka qaar sheegayaa in lacaga canshur ahaanta ay uga qaadaan ganacsatada taasoo keentay iska hor imaadka.

Advertisement

Wararka waxay intaasi ku darayaan in khasaare nafeed uu soo kala gaaray labada koox ee alshabaabka wada ah inkastoo warar saxa oo madax banaan aan laga heyn.

Dowlada Somalia oo ka hadashay ayaa sheegtay inay alshabaabku isku qabteen baada ay shacabka ka qaataan waa sida ay warka u dhigeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here