KAAM-JAROON (DAYNIILE.COM)-Sida goor dhaw wabaahinta Dowlada lagu shaaciyay dagaal ka dhacay Degaanka Kaam Jaroon  ee Gobolka Jubada hoose ayaa Alshabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay.

Dagaalyahano ayaa Alshabaab looga laayay dagaalkaasi sidoo kalana waxaa looga furtay saanad hub kala duwan kuwaasoo Dowlada Somalia ay soo durba ku soo bandhigtay baraheeda bulshada sida Talegaram iyo Faceboob.

Advertisement

Degaanka Kaam Jaroon ee gobolka Jubbada hoose ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogan iyadoo halkaasi looga dilay maleeshiyaad hubna iyo saanadkalana looga soo furtay.

khasaaraha soo gaaray Alshabaab ayaa yimid kadib howlgal ay sameeyen ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab qeybtooda ka howlgasha deegaanada Maamulka Jubaland.

dhawaan ayay ahayd markii Dowladu gaadiid badan oo kuwa Dagalka ay Dekada Muqdisho ka dirtay kuwaasoo laga dejiyay Dekada Kismaayo waxayna isugu jireen kuwa xamuulka ee ciidamada lagu daabulo iyo kuwa dagaalka oo qorypo ku rakibnaayeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No photo description available.No photo description available.May be an image of saxophone, flute, trumpet, clarinet and oboe

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here