AADAN-YABAAL (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab oo sedex maalin ka hor qabsadeen Magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa la soo sheegayaa inay dad shacaba ku laayeen halkaasi saacadihii ugu dambeeyay.
Wararka saaka ka soo baxaya Magaalada Aadan Yabal ayaa sheegaya in ilaa 6 ruux oo shacaba ay toogteen kuwaasoo 4 ka mida ay dumar yihiin lamana yaqaan ujeedka rasmiga ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xitaa ay diideen in la aaso meydadka qaar walow alshabaab aysan ka hadlin wali wararkaani sheegaya inay dad shacaba laayeen.
Dadka la dilay qaarkood waxaa la sheegay inay ahaayeen ganacsato sida maqaayadaha magaaladaasi lahaa,warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in alshabaab dadkaan ku heystaan la macaamilkoodii ciidamada Dowlada.
Laba sano ka hor ayay ahayd markii alshabaab laga saaray magaaladaani balse laba sano oo Dowladu maamuleysay hada ayay dagaal kula wareegeen markii ay is fara saareen ciidamada Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM