MANDERA (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay afduubateen shan ka tirsan masuuliyiinta ismaamulka Mandera ee Kenya.
Sida ay shaacisay Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga Alshabaab waxay gacanta ku hayaan shan madax-xaafadeed (chiefs) kuwaasoo ka howlgala Magaalada Mandhere ee Gobolka Waqooyi Bari Somalia balse Kenyaanku maamulaan.
Dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shan madax-xaafadeed (chiefs)
Masuuliyiintaan ayaa markii Alshabaabku qabsanayeen waxay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera.
Mashaariic Dowlada Kenya ay deegaanadaasi ka fulisay ayay kormeerayeen masuuliyiintaan balse waxaa dhexda u galay Alshabaab.
Taliyaha ciidanka booliska Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru ayaa ka hadlay afduubkan, wuxuu ugu horeyn xaqiijiyay inuu jiro afduubka.
“xubnaha la kaxaystay waxay ka soo socdaaleen deegaanka Ceel-Gaduud, waxay ku sii jeedeen magaalada Ceelwaaq “ayuu yriri sida uu sheegay Taliye Njeru.
Dhanka kale waxaa dhaq dhaqaaq wada ciidamada Mandera kuwaasoo baadi-goob ugu jira halka lagu heysto masuuliyiinta si ay u soo badbaadiyaan
Alshabaab laftigooda ayaa la sheegay inay sheegteen aduubka inay iyaga ka dambeeyaan inkastoo aysan faah-faahin sii bixin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM