MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxda alshabab halkaasi goor dhaw ku dileen afar ruux oo ka mida ahaa shacabka ku dhaqanka Degmadaasi.

Falkaani ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Ood-weyne oo ka tirsan Degmada Dayniile waxaana la sheegay dhamaan dadka la dilay inay ahaayeen dad dhawaan xirtay kaamirada qarsoon ee CCTV markii Dowladu ama ku bixisay in caasimada Somalia ku dhaqan wada xirtaan.

Advertisement

Inkastoo aysan wali Alshabaabku sheegan intaan ka war heyno hadana wararka ayaa tilmaamaya in tan iyo markii Kaamirooyinka la bilaabay in la xirto ay soo badanaysay cabsida Alshabaab laga qabay kuwaasoo aan ogaleyn kaamiradaasi madaama ay aamisan yihiin inay shaqooyinkooda dilalka ah ay lidi ku tahay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in raga dilalkaani fuliyay ay ahaayeen koox isla shaqeyneysay marka la eego waqtiga ay fuliyeen iyadoo dadka la dilay waqti isku mid ah loogu tagay tukaamo ay ku lahaayeen xaafada ood-weyne.

Falkaan waxaa la leeyahay waa cabsi gelinta dadka kaairooyinka xirtay ee fuliyay amarka Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here